FeaturedSomali News

Wasiirka Maaliyadda: Soomaaliya waxay Bankiga Adduunka & Midowga Yurub ka heshay 427 Milyan Doolar

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay deeq dhan 427 Milyan oo doolar ka heshay  dalalka deeqda bixiya iyo Bankiga Adduunka.

Wasiirka ayaa sheegay in shuruudihii ugu muhiimsanaa ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya ay ka gudubtay ka hor waqtigii loogu tala galay sida ay qireen madaxda hey’adda Lacagta Adduunka, wuxuuna intaas ku daray in  Soomaaliya ay deeq bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horreeyaan Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ay ugu deeqeen 427 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Wasiir Beyle waxa uu meesha ka saaray in ay deyn tahay Lacagaha la siinayo Soomaaliya, taasi oo ay warbaahinta qaar daabaceen. “Waxaan halkan ka sheegayaa inay Lacagtan Soomaaliya la siiyay ay deeq tahay, deyn ma qaadan karno “, ayuu yiri wasiir Beyle.

Dabagalka Lacagta deybta ah ee caalamku ku leeyahay Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday wuxuuna sheegay in ay ku ogaatay Wasaaradda maaliyada Lacag dhan Hal Bilyan oo Doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

“Dowlad baa iska imaan oo dhihi wax baan idinku leeyahay oran, mid kastaa waan diiwaan gelinnay, illaa annaga wax walba waa gubnay oo waxaan haynaa ma jirto, markaas ayaannu leennahay wax warqado caddeyn ah keena inaad wax nagu leedahay, waraaqahii aad Dowladda Soomaaliyeed kula saxiixatay la kaalay baan ku niri  qaar baa keeni waayay, intey keeni waayeenna waan ka jarnay, iminka waxaan u malaynayaa in ay Lacagta deynta ah 4 Bilyan iyo bar, halka ay marka hore ka ahayd 5 Bilyan iyo bar” ayuu yiri Wasiirku.

Tags
Close
Close