Somali News

Wasiirka Qorsheynta oo Madaxda WFP kala hadlay Cuntada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Kulan muhiim ah maanta layeeshay Madaxda Hey’adda Cunada adduunka ee (WFP).

Kulankan oo looga hadlay xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adda Cunadda adduunka ee (WFP), ayaa isla markaana waxaa lagu dar dar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu ka waddo dalka.

Agaasimaha Hay’adda Cunada Adduunka ee Soomaaliya Mr Cesar Arroyo, ayaa bogaadiyay shaqooyinka Wasaarada Qorsheynta iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeyso.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in howlaha ay dalka ka waddo hey’adda (WFP) sii dar-dar-galiso si adeegyadda dalka ay ka hayso u noqdan kuwa anfac Ummadda.

“waxaan saakay kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha hay’adaha cunada Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (WFP), waxaan isla eegnay shaqooyinka ay wadaan dalka kuwaasi oo ku salaysan Qorshaha horumarinta qaranka ee NDP9, ugu dambeyn waxaan isla gorfeynay sidii howlahaasi loo sii xoojin lahaa ayna u noqan lahaayeen kuwa natiijo wanaagsan leh”ayuu yari Wasiirka Jamaal.

Kulankan ayaa ku soo idlaaday waji wanaagsan iyadoo la isla gartay sidii wada shaqeynta iyo howlaha muhiimada leh ay xoogga u saari lahayd Hay’ada barnaamijyadda cunada aduunka ee (WFP).

Back to top button