Somali News

Wasiirka Warfaafinta DF oo u jawaabay Faysal Cali Waraabe

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay Faysal Cali Waraabe oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland.

Wasiir Cismaan ayaa la yaab Ku tilmaamay in Faysal ka qeybgalo shir Soomaaliyeed isaga oo Umadda kala qeybinayay 30sano sida uu hadalka u dhigay.

Akhri qoraalka wasiirka.

“Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka’ dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la’ fahmi karo in dhaqan ahaan Beeuhu u shiraan, qaybaha kala duwan ee bulshaduna mar walba way shiraan, wayna la shaqeeyaan dowladooda. Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano, ee weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey, ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin”

Back to top button