FeaturedSomali News

Wasiirka warfaafinta Somaliland, oo shaaciyay in laga helay COVID-19

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleen Yusuf Cali-koore, ayaa maanta shaaciyay in laga helay xanuunka Covid-19.

 

Wasiir Koore, oo hawlo nabadayn ah u jooga gobolka Sool, ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay kadib la ogaaday in uu hayo xanuunkaasi.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in qalabkii ugu horreeyay ee casriya oo la keenay magaalada Laascaanood uu noqdo. qofkii koobaad ee lagu baaro qalabkaasi.

 

“Waxaan noqday, qofkii koobaad ee lagu baaro qalabkan casriga ah ee la keenay magaalada Laascaanood, waana layga helay xanuunka’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

 

Maaha wasiirkii koobaad ee Somaliland ka tirsan oo laga helay cudurkan Covid-19. Wasiirrada maalgashiga, Tiknoolajiyadda iyo ka hawlada guud iyo guriyayn Somaliland ay horay looga helay xanuunkan.

Back to top button