Somali News

Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo geeriyooday

Wasiirkii hore ee amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga.

Khaliif ayaa halkaas oo uu muddooyinkii dambe ugu sugnaa howla caafimaad, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkiisa saaka ku geeriyooday.

Khaliif Ciise Mudan ayaa hadda ahaa la taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa uu horay u soo qabtay Wasiirka Amniga Puntland, waxaa kale oo uu ahaa Duuliye sare isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Cirka ee Taliska Balli-doogle xilligii Kacaanka.

Back to top button