FeaturedSomali News

Wasiirrada Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo maanta ka shiraya heshiiskii Imaaraadka iyo Israel.

 

Kulan ay maanta oo Arbaca ah ay  yeelan doonaan Wasiirrada Umuuraha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa loogu ballansanyahay in looga hadlo heshiiskii dhawaan ay gaareen Imaraadka Carabta iyo Israel oo sheegay in ay dib-u hagaajinayaan xiriirkoodii.

 

Shirkan oo u qabsoomaya qaabka Ismaqal-arrag ee Khadka Zoom-ka, ayaa ku soo aaday wakhti waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabtu ay ku kala qayb sanyihiin aragtida xidhiidhka u bilaabmay xukuumadda Abu-dabia iyo maamulka Yuhuudda ee Talaabiib.

Axaddii todobaadkan, ayaa maamulka Falastiiniyiintu waxa uu Imaaraadka iyo Baxrayn ku eedeeyeey in ay jabiyeen heshiishkii waddamada Carabta ee Qaddiyadda Falastiin oo la gaadhay sannadkii 2002-dii.

 

Af-hayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, ayaa salaasadii shalay sheegay in ay kasoo horjeedaan in Imaaraadka Carabtu uu ka qayb galo shirka golaha wasiirrada ee Jaamacadda Carabta, isaga oo sheegay in ceeb ay ku tahay astaamaha Qarannimada waddamada Carbeed in qayb ay ka noqoto midda Imaaraadka Carabtu.

Sikastaba ha noqotee, shirkan oo maanta qabsoomaya ayaa laga dhursugayaa waxa uu noqdo Mawqifka waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan heshiiska uu dilaalka ka yahay Mareykanku ee dhawaan ay wada gaareen Imaaraadka Carabta iyo Israel.

Back to top button