Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Wasiiru dowlaha cusub ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiir dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo dhowaan loo magacabay Xilkaasi, ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Marwo Aamino Saciid Cali iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad celiyey Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin nuur mudadii uu kasoo shaqeeyey Madaxtooyada iyo shaqadii uu soo qabtay dalka.

Sidoo kale waxuu soo dhaweeyey Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyadda, isaggoona sheegay in shaqooyin adag ay horyaalaan, Allana uga baryey inuu u fudeeyeyo.

Wasiir dawlaha Madaxtooyadda C/qaadir Shiikh Cali Baqdaadi ayaa u mahad naqay masuuliyiinta madasha ku sugnaa, waxaana uu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay inuu u adeego dalkiisa iyo dadkiisa.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media