Somali News

WFP oo Dekad macmal ah ka dhiseysa Hobyo

Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Waxaana Hoggaaminaya Wafdiga wasiirka Dekedaha DFS & Safiirka talyaaniga ee Soomaaliya & Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Ha,adda WFP waxaana u jeedka safarkaan uu yimaden xarig jarka dhismo Deked macmal ah oo ay dhisidoonto Ha,adda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ku saxiixey hishiis lagu dhisayo Dekeda Hobyo waxaana Dekedaan Macmalka ah suurta galin doontaa in qalabka lagu dhisayo dekeda laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faa’idaystaan ganacsatada reer Galmudug.

 

Back to top button