Somali News

WHO: “14kun Soomaali ah ayaan ka baarnay Covid19”

Hay’adda Caafimaadka Adduunka qeybteeda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin la xiriira dagaalka ka dhanka ah cudurka Karoonaha.

Warbixinta waxaa ay Hay’adda ku sheegtay in dad ka badan 14,500  oo Soomaali ah laga baaray Cudurkan.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in aybdhamaan Dowlad Goboleedyada u qeybisay 264 qalabka lagu baaro Covid 19.

Warbixinta WHO qeybteeda Soomaaliya ayaa xustay in laba xarumood oo caafimaad ay hirgelisay muddadaas.

Waxaa xusid mudan in dad ka badan 3kun oo shaqaale Caafimaad ah la howlgeliyay kuwaas oo tagayay xarumaha caafimaad si ay dadka uga baaraan cudurka.

 

Back to top button