Somali News

WHO oo tallaalka Jadeecada ka billowday Kismaayo

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa tallaalka cudurka Jadeecada waxa ay ka billowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Warbixin kooban oo la xiriirta tallaalka Jadeecada Laguna baahiyay boggga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri.

Si loo xaqiijiyo in carruurta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo ay fursad ugu helaan Tallaalka cudurka jadeecada, loona joojiyo faafitaanka cudurkaa, Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ah, Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa iska kaashaday dadaallada looga hortagayo cudurkan.

WHO iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa sameeyey ololeyaal ballaaran oo carruurta looga tallaalayo jadeecada.

Waxaa xusid mudan in dadaallada carruurta looga tallaalayo jadeecada ay saameyn wanaagsan yeesheen”.

Back to top button