FeaturedSomali News

William Ruto: hoos ayaan u dhignay wada-hadalkii Soomaaliya ee Jaadka Miraa.

Madaxweyne ku xigeenka waddanka  Keyna William Ruto,  ayaa sheegay in dawladdiisu ay hoos u dhigtay wadda-hadal kusaabsan arrinka ganacsiga qaadka Miraa, madaama Soomaaliya ay wakhtigan kujirto xaalad kala guur siyaasadeed isla markaana madaxdeedu ay ku mashquulsantahay arrimaha doorashooyinka.

Dr. Ruto oo u warramayay Telefeshin maxalli ah, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ganacsiga jaadka u joojisay si uu qayb uga noqdo marunka badda ee u dhexeeya labada waddan.

“Waxaa jiray xoogaa isfaham la’aan ah oo kadhex jirtay Kenya iyo Soomaaliya arinta badda. Waxay joojiyeen qaadkeenna. Waxaan ku jirnaa wada-hadallo aan ku kala saarayno labada arrimood laakiin doorashada ayaa gaabis ku ah hawsha. Waxaan rajeyneynaa markey doorashadu dhammaato, waxaan awoodi doonnaa inaan soo gabagabeyno wadahadallada ku saabsan dib u soo celinta ganacsiga, ”ayuu yiri madaxwayne ku xigeenka Kenya.

Safaaxadda Kenya, ayaa dhawaan werisay in Soomaaliya ay dhawr shuruudood ku xirtay furitaanka ganacsiga qaadka.

Shuruudaha ay qortay warbaahinta Kenya, waxaa kamid ah in DFS ay soo jeedisay in Kenya ay faraha kala baxdo arrimaha siyaasadda ee gudaha Soomaaliya iyo in kor loo kooqaado cashuurta lasaaro qaadka.
Back to top button