Somali News

Xafiisyadii ONLF ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo la xiray

Wararka ka imanaya Ismaamulka Soomaalida ee Waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in albaabada loo laabay xafiisyadii Ururka ONLF  Dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay U rurka ayaa sheegay in olole ka dhan ah Ururka maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen Gobolka sida uu hadalka u dhigay.

”Sabab nalooma sheegin laakiin waxaan u arkeynaa in arin ku iska yahay oo kaliya awood sheegad, annaga laakiin qorshaheena waa in aan si xor ah u dhaqdhaqaaqno ” ayuu yiri Hirmooge.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan ururka oo ay tuhusan yihiin in ay arintan ku lug leeyahay oo ay si dadban dowladda ugu xirran yihiin, laakiin waxaa uu sheegay in khilaafka arintan ku saabsan lagu dhax xalin doono isla Ururka dhaxdiisa.

Back to top button