FeaturedSomali News

Xaggay u badantahay aragtida xildhibaannada ilaa hadda dooddooda ka dhiibtay heshiiska doorashooyinka?

Kulan wada jir ah oo ay leeyihiin labada aqal ee baarlamanka Federaaka ah ee Soomaaliya, ayaa ka furmay xurta baarlamanka ee Villa Hargaisa ee magaalada Muqdisho.

 

Doodda ajandaha oo ah heshiiskii siyaasadeed ee ay wada gaareen maamul goboleedada, dawladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir, ayaa si rasmi ah ugu bilaabantay golaha.

Doodda oo socota ilaa hadda, ayaa xildhibaannada aragtidooda dhiibtay waxa ay badankoodu soo dhaweeyeen heshiiska.

 

Kal fadhiga waxaa soo xaadiray 255 mudane, kadib markii hebeenkii xalay laysugu yeeray baarlamanka.

 

Kal fadhiga labada aqal ee baarlamanka, ayaa laga sugayaa in lagu meelmariyo heshiiska jihaynta doorashada xildhibaannada baarlamanka federaalka ee 2020/2021.

 

Aragtida xildhibaannada dooddooda dhiibtay, ayaa baddanookuu taageersan in sidaas lagu ansixiyo heshiiska, si waddanka ay uga qabsoonto doorasho dadban oo baarlamaani ah.

Back to top button