Somali News

Xaliima Yareey: “Guddiga doorasho dadban ma jiro ee Guddi xulasho dadban ayaa jira”

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxabanaan Xaliimo Ismaaciiol Ibraahim (Xaliima Yareey) ayaa sheegtay in jagada ay dalka ka heyso uu ku heysto Guddi ay sheegtay in loo bixiyay magacooda hayeeshee aysan isku shaqo ahayn.

Xaliimo Yareey ayaa Guddiga doorashada dadban ku sifeysan kuwo ka shaqeeya xulasho dadban oo aan la qoon halka ay u socdaan sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa ay hadal ka jeedineysay shirka Garsoorka dalka iyada oo warbaahinta ka dalbatay in aan laga been abuuran islamarkaana jagada ay heyso aan loo adeegsan cid kale.

Xaliimo Yareey ayaa Wasaaradda Caddaaladda iyo Maxkamadaha dalka ka dalbatay in ay soo bandhigaan waxqabadkooda sanadkii la soo dhaafay.

Back to top button