FeaturedSomali News

Xasan Cali Khayre iyo Qoor-qoor, oo kulmay iyo qodobada ay ka wada hadleen | Akhri xogtan

 

Kulan gaara oo ay wada yeesheen raysal wasaarihii hore Soomaaliya ahna musharax madaxweyne oo u taagan doorashada 2020-2021 mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Galmuduga Axmad Cabdi kaariye (Qoor-qoor), ayaa habeennimadii xalay ka qabsoomay guriga Khayre ka deggenyahay magaalada Muqdisho.

 

Labada masuul, ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka kusoo wajahan dalka iyo doorka ay ku leedahay dawladda Galmudug.

Qoraal Kooban oo Xasan Cali Khayre ku baahiyay bartiis Twitter-ka, ayuu ku sheegay in kulankaasi ahaa mid miro dhal ah/

 

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane  Ahmed Abdi Kaarie’’ ayuu qoraalkiisa ku yiri Khayre.

 

 

Qodabboda ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen labada masuul, ayaa ahaa xaaladda kala guur ah ee dalka doorashooyinka dhaci raba dhammaadka sannadkan iyo bilaw midka dambe ee 2021.

 

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug. Sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa’’ ayaa kamid ahaa qoraalka musharax Xasan Cali Khayre.

 

Xasan Cali Khayre, oo dhawaan ku dhawaaqay hankiisa musharaxnimo ee doorashada madaxtooyada, ayaa maalmahanba kulammo gaar gaar ah la qaadanayay masuuliyiinta kala duwan ee dalka.

 

Back to top button