FeaturedSomali News

Xasan Cali Khayre, oo kulan gaara la qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi.

Musharaxa madaxwayne ee Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan gaara maanta  la qaatay guddoomiyaha aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo gurigiisa ku booqday.

Kulanka  oo aan lashaacin qodobada ay ka wada hadleen, ayaa Khayre waxa uu sheegay in kulan sharafleh ay wada qaateen guddoomiye Xaashi.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Xasan Cali Khayre, waxa uu ku yiri.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed”

Labadan masuul oo xiriir fiicani ka dhexeeyo, ayaa kulan koodu, waxa uu kusoo beegmay xilli ay dalka Soomaaliya ka jirto xaalad siyaasadeed oo kala guur ah.
Back to top button