Somali News

Xasan Cali Kheyre oo Ku wajahan Koofur Afrika

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safar Ku tagaya dalka koofur Afrika

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika ayaa Wadani.,com u xaqiijiyay in Xasan Cali Kheyre la ballansanyahay Jaaliyadda Sooomaaliyeed iyo xubno ka mid ah Dowladda Koofur Afrika.

Safarka Kheyre ee Koofur Afrika ayaa qeyb ka ah safarro uu Ku tagayay dalal uu u arko in ay Ku garabsiin karaan damaciisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu safarkiisa Ku billaabay dalka Jabuuti, waxaa uu Ku xijiyay Kenya oo uu hadda Ku suganyahay waxaana uu Kaga sii gudbayaa Dalka koofur Afrika.

Kheyre ayaa kaddib xilka qaadistiisii Ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Back to top button