FeaturedSomali News

Xasan Sh. Maxamuud, oo ku baaqay in la caddeeyo qodobbo aan la fahmi karin oo kujira heshiiskii doorashada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa markale dhaliilay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee lagu soo gebagabeeyay Muqdisho.

 

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in ay wali ay jiraan arrimo muhiim ah oo u baahan in tafaasiil dheeraad ah laga bixiyo oo kujira heshiiska.

 

“Waxyaabo badan oo tafaasiila u baahan, ayaa kujira heshiiska, waxaan u baahannahay in waxbadan la caddeeyo maalmaha soo socda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahanyahay in shirarkale oo lagu caddeeyo meelaha uu madmadawgu jiro ee heshiiska loo baahanyahay in ay yeeshaan madaxda maamullada iyo kuwa Federaalku si qadobadaasi tafaasiil ku filan looga bixiyo.

 

Hadlka, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ku beegmaya wakhti ay magaalada Muqdisho ka socdaan shirarkale oo looga hadlayo sidii loo dhaqan gelin lahaa hishiis yadii kasoo baxay shirkii dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

 

Back to top button