Somali News

Xasan Sheekh: “8da February meel la’aadayo ma naqaan”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay ka gaabisay doorashada dalka in ay waqtigeeda ku dhacdo.

Xasan ayaa sheegay in bisha labaad ee sanadka soo socda y ku egtahay waqtiga Madaxweynaha wixii ka dambeeyana uusan madaxweyne ahaan karin.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Golaha shacabka iyo Xukuumadda aysan xeer sameyn karin laakiin ay shaqada sii wadayaan inta laga helayo dadkii beddeli lahaa.

Isaga oo dib u dhaca doorashada ka jawaabayay ayuu sheegay in bilo iyo todobaadyo farsamo ah la qbali karo laakiin aanay xilligan muuqan saan saan doorasho la qabanayo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uyu dood badan geliyay Guddiyada doorashada ee lagu muransanyahay oo uu sheegay in Dolwadda ay sidii ay rabtay u magacaabatay ee aysan ahayn kuwo lagu heshiiyay.

Back to top button