Somali News

Xasan Sheekh: “dalkaan doorasho kama dhici karto, mana galeyno”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay guddiyada doorashada ee ay soo dhistay Dowladda aysan doorashada ku galeyn.

Waxaa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan dooneyn in xilka uu u wareejiyo sidii isaga loogu wareejiyay.

“Hadda idin sheegayaaba. Wax Doorasho ah kuma galeyno guddiyada ay magacaawday dowladda”-

“Doorasho dalkaan kama dhici karto. Sidaanna kuma dhici karto, shalay sida aan xilka u wareejinay uma rabyo inuu isagana (Madaxweyne Farmaajo) u wareejiyo”

“Waa inaan maalin cad tartanaa oo kala baxnaa. Lakin guddigaan kuma gali karno wax doorasho ah”

Back to top button