Somali News

Xasan Sheekh: “Fahad Yaasiin waddankii musiibo ayuu ku wadaa mana ka yeeleyno”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliil u jeediyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xasan ayaa sheegay in markii laga dhigay agaasimaha Madaxtooyada uu kala diray, markii laga dhigay Taliyaha NISAna uu hay’addii dumiyay haddana aysan ka yeeleyn in uu dalku dumiyo.

Waxaa uu sheegay in Fahad oo ay saaxiibo yihiin uusan ka yeeleyn in uu dalka dumiyo sida uu hadalka u dhigay.

Xasan ayaa yiri “in wax la qariyo ma fiicna milkiilaha la sheegaa waa Fahad Yaasiin, saaxiibaa nahay wiilkeygi waaye, waddanka musiibo ayuu ku wadaa mana ka yeeleyno”.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Shirka Mucaaridka uga socda Muqdisho uu arrintaas war ka soo saari doono.

 

Back to top button