Somali News

Xasan Sheekh oo askar ku tilmaamay Guddiga doorashada ee DF magacawday

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Askar ku sifeeyay Guddiga doorashada ee ay magacawday Dowladda Federaalka ah.

Xasan ayaa sheegay in dastuurka ay khilaafsantahay in Askarta ay ku lugyeeshaan arrimaha Siyaasadda.

“guddiga doorashada ee la magacaabay ma waafaqsan dastuurka dalka u yaala askarna ma noqon karaan guddi doorasho, waxaan kaloo lee yahay wiilasha iyo gabdhaha kujira guddiga doorashada yaan la idin qaldan oo la idin adeegsan wax aan waafaqsaneen sharciga dalka uyaalla.”

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uusan waligiis dagaal ku baaqin haddana uusan ku talineyn.

Waxaase uu yiri “haddii aad aragto muwaaddin dagaallamaya waa lagu qasbay waxaana ku qasbay cidda talada heysa”.

Back to top button