FeaturedSomali News

Xeer-ilaaliyaha guud oo sheegay in ay si xun ula dagaallameen musuq-maasuqa.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumaddii dhacday ee ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ay xoog ula dagaallantay masuq-maasuqii ka jiray waddanka oo wakhtigii hore gaadhay halkii ugu sarraysay.

Isaga oo hadal kajeedinaya  kulan uu laqaatay bahda caddaaladda dalka, ayaa Xeer-ilaalliyahu  waxa uu sheegay in hay’adaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dadaalan cadaaladda, isla markaana la dagaallamaan Musuq maasuq dalka halakeeyay.

Dr. Sulaymaan Maxamed, ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in dalkaSoomaaliya  uu sannad kasta  kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan aduunka. Waxa kale oo uu  sheegay in bahda caddaalddu ay sameeyeen dagaalkii ugu adkaa ee ka dhan ah musuq maasuq iyo is daba marinta.

“ Sax ma ahan maalin kasta in aan liiska hore ku jirno muqus-maasuq darteed, waa inaan hufnaan la nimaanaa cidda la rabo inay ka shaqaysana waa bahda Cadaaladda”, ayuu yrii Xeer-laalliyuhu.

Dhowaan, maxkamada gobolka Banaadir ayaa xabsiyo dhaadheer ku xukuntay masuuliyiin katirsan hay’adaha dowladda oo lagu helay inay musuq maasuq iyo is daba marin ku sameeyeen hantida dadweynaha.
Back to top button