FeaturedSomali News

Xeer-ilaaliye aan magiciisa lashaacin, oo loo magcaabay daba-galka dilalka Suxufiyiinta.

 

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya,  ayaa magacaabay Xeer-Ilaaliye u gaar ah  dabagalka iyo baarista  dilalka iyo waxyeelaynta loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Warqadda magcaabista laguma shaacin magaca Xeer-ilaaliyaha la magcaabay, taariikhdiisa iyo khibraddiisa shaqo midkoodna.

Hase ahaatee, xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaday  in qof kasta oo haya xog la xiriirta dilalka wariyaasha ay soo  hagaajiyaan Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqadda Kasoo baxday Xafiiska Xeero-ilaaliyaha guudda ayaa lagu yiri.

”Suxufiyiinta iyo shacabweynaha Soomaaliyeed  waxaa uu Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u xaqiijinayaa in cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaataynta ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed,”

 

Magcaabistan, ayaa imanaysa kadib markii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo saxiixay sharciga Saxaafadda Soomaaliyeed, oo walaacwayn ay ka qabaan qaarkamida weriyayaasha iyo hay’adaha warbaahintu.

 

Back to top button