Somali News

Xerada Xalane oo la duqeeyay

Tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta duhurkii ku dhacay Xerada Xalane oo saldhig u ah Ciidanka AMISOM iyo safaaradaha shisheeye.

Weerarka madaafiicda Xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda teendhada Afisyooni oo ku taala xeyndaabka garoonka uu ka dhici doono shirka u dhaxeeya DFS, DG iyo Gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka si heshiis looga gaaro fulinta hannaanka doorashada ee 17 September.

Back to top button