Somali News

Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo ka taagan Tukarraq

Deegaanka Tikaraq oo isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa saaka waxaa laga soo sgeegayaa in ay ka jirto xiisad dagaal, waxaana la arkaa dhaqdhaqaaqyo ay ciidamadu sameynayaan, waxaana jira cabsi laga muujinaayo inuu ka dhex qarxo dagaal.
Xisaada ayaa bilaabatay sida la sheegay kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland kuwaas oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa dhaqdhaqaaq iyo xiisad colaadeed ka bilaabeen Tukaraq, kadib markii ay ka gadoodeen xuquuq la’aan iyo hab-dhaqanka Taliyaasha sare ee Ciidamada milatariga Somaliland.
Somaliland ayaa Tukarraq qabsatay 8dii January 2018kii habeenkaas oo la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.
Tan iyo xilligaas Ciidamada labada dhinac ayaa dhowr jeer ku daagallamay halkaasi hayeeshee waxaa sidii ay u qabsadeen ilaa hadda ku sugan Ciidanka Somaliland.
Back to top button