FeaturedSomali News

Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo laysugu yeeray si  loo meelmariyo heshiikii laga gaaray doorashada.

 

Xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa laysugu yeeray maalinta berri ah si loo meel mariya heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee kasoo baxay shirkii dawlad goboleedyada dawladda Federaalka ah iyo gobolka Banaadir.

 

Farriin ay direen guddoonka Baarlamanka, ayaa loogu yeeray dhammaan xildhibaannadu in ay soo xaadiraan maalinta berry ee Sabtida ah si ay u meelmariyaan heshiiskii doorashooyinka.

 

 

“Mudane xildhibaan berri oo Sabti ah, taariikh 26 September, waxaa jira kulan wadajir ah oo labada gole ee BFS. Ajendaha: 1. U Codeynta heshiiska siyaasadeed ee jihaynta doorashada xildhibaanada BFS ee 2020/21. Saacadu waa 09:00 subaxnimo.” Ayaa lagu yiri farriinta kasoo baxday guddoonka baarlamanka.

 

Dadbadka qaar, ayaa aminsan in baarlamanku uu sidaas ku meel marin doono heshiiska, halka dadbadan oo kalena ay sheegayaan in meesha ay ku jirto muddo kordhin loo samaynayo dawladda madaxweyne Farmaajo.

 

Sikastaba ha haatee, waxaa si wayn loo sugayaa fadhiga berri ee  oo la eefayo waxa ay baarlamanku ka yeelaan heshiiskii 17-kii September ay wada gaareen madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo dawladda Federaalka ah.

 

Back to top button