Somali News

Xildhibaannada G.Awdal Ku matala Baarlamaanka Somaliland oo dhaliilay saami qeybsiga

Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Ku jira Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday saami qeybsiga siyaasadda iyaga oo xusay in Gobolkooda laga Sadbursaday.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneayasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa wax lala yaabo iyo sharci daro ku tilmaamay in Golaha uu ka tirsan yahay uu laalo saam-qaybsiga kuraasta Beelaha darafyada Somaliland, kootada haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay.

“Somaliland beel qudhi ma degto ee beelo badan baa wada dega, Somaliland beel qudhi ma leh ee beelaha wada dega ayaa wada leh, laakiin go’aankii maalintii dhawayd Golaha ka dhacay ee lagu ansixiyey Xeerkii Doorashooyinka ee aan xaqiiqada ka turjumayn wuxuu daliil u yahay in beel qudhi ay Somaliland leedahay, beeshaas oo ah beesha dhexe, waa ayaan-daro in in Xeerka Doorashooyinka ay ka wada maqnadaan saam-qaybsiga, Kootada haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, cidna looma tudhin, waxay ahayd in xal laga gaadho tabashada saami-qaybsiga oo aanu helno kuraasta aanu xaqa u lahayn, waxay ahayd in xal laga gaadho arinta is xambaarka, maxaa yeelay meelo badan oo Somaliland ka tirsan baan Doorasho laga qaban karin, waxay ahayd in xal laga gaadho oo la daayo Kootada haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay..” ayuu yiri
Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

Back to top button