FeaturedSomali News

Xildhibaannada Hirshabeelle oo ka laabtay Mooshinkii Xil ka qaadista ee Madaxweyne Waare

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaannadii mooshinka keenay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ay dib uga laabteen, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Kulan caawa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ayuu ka sheegay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay ka tanaasuleen, kana laabteen Mooshinki ay dhowaan ka gudbiyeen Madaxweynaha.

Wuxuu intaas ku daray in xildhibaannada Mooshinka waday ay fiiriyeen Danta guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, wuxuuna u sheegay madaxweyne Waare in Mooshinku ahaa cannaan, isla markaana uu sixi doono khaladaadka lagu eedeeyay.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Jowhar ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne Ku Xigeenka, Guddonka Baarlamanka, Wasiirada iyo Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.

Tags
Back to top button
Close
Close