Somali News

Xilka iyo Lacagta C/Rashiid Janan u ballanqaadday Dowladda Federaalka?

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu soo gaba gaboobay wadahadal u socday Dowladda Federaalka ah iyo Wasiirka Amniga Jubaland C/Rashiid Janan.

Warar uu Wadani.com ka helay ilo ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ah ay ballanqaad lacageed iyo mid xileed u sameysay Janan sidaasna uga goostay Jubaland uguna biirayo Dolwadda Federaalka ah.

Xogaha aan helnay ayaa muujinaya in C/Rashiid Janan loo ballanqaaday lacag dhan $500,000 (Nus Malyan) Doollar iyo sidoo kale in laga dhigayo Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka ah.

Janan ayaa Ciidamo uu ku heystay Xero Serendi u sheegay saaka in uu tagayo Baladxaawo islamarkaana uu heshiis la gaaray Dowladda Federaalka ah.

Ciidamo ka mid ahaa kuwa Janan oo uu wato Nin lagu magacaabo Niiniile ayaa ka biya diiday go’aanka Janan waxaana ay wararku sheegayaan in ay ku laabanayaan Afmadow iyo Dhoobley oo ay markii hore ka amba baxeen.

 

Back to top button