Somali News

Xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo xubno ka helay Xukuumadda Rooble

Xisbiga Kulmiye ee Maamulka Somaliland ayaa laba wasaaradood ka helay Xukuumadda cusub ee Maxamed Xuseen Rooble.

xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa xilal wasiiro ah looga magacaabay dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Maxamed Cismaan Dube oo ka mid ahaa xubnihii diyaariyey barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye ku galay doorashada madaxtooyada 2017 ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta soomaaliya halka Cabdale Xaaji Cali loo magacaabay wasaarada qorshaynta.

Kulmiye oo dhigiisa waddani ku eedayn jiray xiriirka uu soomaaliya la leeyahay ayey fadhidaa eedayntaasi maadaama uu masuuliyiintii ugu sareeyey xilal wasiiro ah ka heleen dawlada cusub ee soomaaliya.

 

Back to top button