Somali News

Xisbiga Waddani ee Somaliland oo doortay Musharrax ku matala doorashada

Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeysa ayey ku doorteen musharraxa ku matalaya doorashada Somaliland ee 2022ka.

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa looo doortay inuu noqdo murrashax Xisbiga Waddani 2022-ka,

Ergada fadhidan kulanka maanta oo ay tiradoodu gaareyso 313 Xubnood ayaa waxaa codka kalsoonida siiyay 312 ka mid ah halka hal musharrax la sheegay in uu ka aamusay.

Somaliland ayaa isu diyaarineysa doorashada madaxtinimada iyada laga walaacsanyahay in ay dib u dhacdo sida saddexdii doorasho ee ka horreysay oo kale.

Muuse Biixi ayaa la doortay November 2017kii waxaana lagu wadaa in doorashada Somaliland ay dhacdo November 2022 hayeeshee walaac dib u dhaca ayaa sii xoogeystay kaddib murankii dhinaca Guddiga doorashada.

Back to top button