FeaturedSomali News

XOG CULUS: Dowladda Somalia oo Lacag ka badan Rubuc Milyan Doolar siisay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Sida ay sheegeyso xog ay heshay WADANI MEDIA madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lacag ka badan Rubuc Milyan Doolar ka helay dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa dhowaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho,  waxaana Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya uu  ka helay lacag dhan $300,000 (Saddex boqol kun Doolar).

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay xuquuqdii xildhibaan Xasan Sheekh oo Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka federaalka u ansixiyeen, isagoo dalka ka maqnaa muddo dheer oo ku dhow 18 bilood, xilligaas oo aanu xaadirin hal fadhi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka, wax shaqo ahna u heynin dowladda Somalia.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u ansixiyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh lacag dhan 40-kun oo doolar bishii, waana lacag ka badan baahidiisa, isagoo uu ku geli karo ololeyaal siyaasadeed oo halis ku ah dowladda uu ka tirsan yahay, xilli uu isu diyaarinayo sidii uu hoggaamiye ugu noqon lahaa isbaheysi mucaarad ah oo ka kooban dhowr xisbi.

Dad badan ayaa ka horjeeda in kharashka intaan la eg oo ah canshuurta dadka la siiyo madaxweyne hore oo maalmulkiisa eedo badan loo heysto xilligan oo dalka ay ka jirto baahi dhinac kasta leh lacagtaasi loo adeegsan lahaa adeegyada guud sida caafimaadka, waxbarashada iyo dadka baahan.

U GAARA WADANI MEDIA

Tags
Close
Close