FeaturedSomali News

XOG CULUS: Xildhibaan Xasan Sheekh oo Qorshe halis ah u abaabulay Xukuumadda, dalkana ka dhoofay [Akhriso]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ka dhoofay, kadib markii uu ku sugnaa muddo bil ah, isagoo shalay loo caleemo saaray hoggaanka xisbi mucaarad ah oo la baxay UPD.

Xasan Sheekh oo dhinaca kale ka mida xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ayaa xogta ay heshay WADANI MEDIA ay sheegeysaa inuu abaabulay mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumadiisa, kaasoo ay qoraalkiisa bilaabeen xildhibannadii Qabyo ee ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo, si inta uu maqan yahay loo geeyo Baarlamaanka.

Qorshahan ayaa noqonaya howshii ugu horeysay ee xildhibaan Xasan Sheekh iyo xisbigiisa cusub ay abaabulaan, waxaana ilaa iminka la sheegay inuu Mooshinka yahay mid bilow ah, kaasoo imaanaya markii ay socon weyday qorshe ay wateen xildhibaannada taageersan Xasan Sheekh oo doonayey in arrimaha Amniga dartood Ra’iisal wasaaraha looga yeero Baarlamaanka.

Safarka uu maanta uga dhoogay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo dalka UK, halkaasoo uu sheegay inuu socdaal gaaban ku tegayo, kadib markii uu martiqaad ka helay Jaamacadda ku taalla dalkaasi.

Xasan Sheekh oo ah xildhibaan Dastuuri ah ayaa muddo laba sano ku dhow baarlamaanka Federaalka xaadiray hal kulan oo kaliya, wuxuuna 18 bilood ku maqnaa dalalka Turkiga iyo Tanzania oo ay qoysaskiisu degan yihiin.

Tags
Back to top button
Close
Close