Somali News

Xog: Kulan dhif iyo naadir ah oo ka socda Adis ababa

Magaalada Adis ababa ee Dalka Itoobiya waxaa ka socda kulan mar la arag ah oo qarsoodi ah.

Kulankan ayaa u dhaxeeya Taliyayaasha Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa uu is aragga saddexda Taliye sirdoon ee saddexda Waddan waxaa uu daba socdaa safar uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhawaan Ku tagay Asmara kaas oo qaatay laba maalmood.

Sidoo kale waxa ka dambeeyay safar saddex cisho qaatay oo uu Madaxweynaha Eritrea ku tagay Adis ababa.

Kulanka Taliyayaasha Nabad Sugidda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in looga hadlayo amaanka, dagaalka ka dhanka ah al shabab iyo wadaagidda xogaha sirdoonka ee saddexda waddan.

Kulankan waa kii ugu horreeyay oo dhexmara saddexda taliye inkasta oo Fahad Yaasiin iyo dhiggiisa Itoobiya isku badnaayeen sanadihii la soo dhaafay.

Back to top button