FaaqidaadFeaturedSomali News

XOG QARSOON: Xukuumadda Somalia oo baareysa Heshiis Malaayiin Doolar ah oo ay gashay Dowladii Xasan Sheekh

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay baarista heshiis malaayiin doolar ku kacaya oo dowladii hore ay la gashay shirkad fadhigeedu yahay dalka Holland oo la sheegay inay maraakiibka ilaalada xeebaha u sameyneyso Soomaaliya.

Heshiiska Lixda maraakiib iyo Doomo dheereeya loogu sameynayo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa galay dowladii hore ee Xasan Sheekh, waxayna la gashay shirkad lagu magacaabo Amo Shipping Company (AMOSC) oo ka dhisan jasiiradda Qubrus, balse xarumo ku leh dalka Holland.

Heshiisak ayaa ku kacaya lacag ka badan 132 million Euro oo ku dhow 150 Milyan oo Dolar, waxaana la saxiixay 28 bihii Julay 2013, iyadoo markii danbe warkiisa la waayey. balse dhowaan uu dib u soo shaac baxay markii shirkadii lala galay ee AMOSC ay dacwad ka furatay Maxkamadda Transport and Maritime Arbitration ee dalka Holland.

Shirarkii ugu danbeeyay ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa arrintan looga dooday, waxaana  xogta uu helay WADANI MEDIA ay sheegeysaa in Ra’iisal Wasaare Kheyre uu wax lala yaabo ku tilmaamay in heshiis noocan oo kale ay gasho dowlad sida Soomaaliya oo kale ah oo miisaaniyadeeda aanay is bixin karin.

Golaha Wasiirada ayaa Guddi uu madax ka yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed u saaray inay soo baaraan heshiiskan, cidda gashay, lacagta lagu bixiyey iyo halka laga keenay, iyadoo la soo ogaan doono cidda ka danbeysay iyo dacwadda ka timid shirkadda lala gala.

Shirkadda AMOSC ayaa dooneysaa inay hesho €132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta oo doollar ahaan noqoneysa 183  Milyan oo doolar.

Heshiikan 6-da markab loogu sameynayo Soomaaliya, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).

IMG_9468

IMG_9466

IMG_9412IMG_9437IMG_9443IMG_9464IMG_9465

 

Tags
Close
Close