FeaturedSomali News

XOG: Yaa ka danbeeyay khilaafkii Aqalka Sare ku qaadacay Furitaankii Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka..?

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka baaqsaday inay qeyb ka noqdaan ka qeybgalka furitaanka kalfadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo caadadu ahayd in wadajir loo furo labada Aqal.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Fulinta Aqalka Sare ayaa lagu sheegay inay arrintaasi sabab u ahayd arrimio farsamo iyo kuw amni ah, waxaana qoraalka lagu sheegay in Aqalka Sare uu qaadanayo doorkiisa xaalad lagu sheegay mid cakiran oo uu marayo federaalka.

Haddaba dabagal ay sameysay Wadani Media ayaa lagu ogaaday in arrintan uu sababteeda lahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo xaalad diidmo ah kala hor yimid furitaanka kalfadhiga 4aad, waxaana la sheegay inuu isagu hore u baajiyey 5-tii Bisha September oo kalfadhiga la furi lahaa.

Abshir Bukhaari oo ka mida guddoonka Aqalka Sare, dhinaca kalena ka tirsan mucaaradka dowladda uu ka tirsan yahay, ahna ganacsade leh warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa xogtu sheegtay in sababtiisa muddo 5 maalmood ah dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga, balse u mar kale diiday inay senatoorada ka qeyb galaan xaflada furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo xubnaha kale ee Guddiga fulinta ayaa qaatay go’aan ah in laga baaqsado xafladii furitaanka ee shalay intii uu khilaaf ka dhex qarxi lahaa Aqalka Sare dhexdiisa, waxaana senatoro ka tirsan Aqalka Sare ay Wadani Media u sheegeen inay qaadi doonaan tallaabo ay uga horjeedaan guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Abshir Bukhaari.

Wararka aya sheegay inuu xiriir la leeyahay qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada, isla markaana uu qorsheynayo inuu Aqalka uu qaato go’aan lagu taageerayo maamul Goboleedyada.

Tags
Close
Close