FaaqidaadFeaturedSomali News

XOG: Yaa sameeyay, yaase ka danbeeya Website-ka lagu furtay Magaca Ra’iisal Wasaare Kheyre?

Waxaa maalmihii ugu danbeysay la hadal hayey website aan la weli la dhisin oo lagu diiwaan geliyay magaca ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Website-kan ayaa cinwaankiisu yahay hassankheire2020.com, waxaana ka muuqda in loogu talogalay ololaha doorashada 2020 oo hadda laba sano ay naga xigto, iyadoo markii ugu horeysay website-kan aan dhisneyn ay dadka la wadaageen xildhibaanada ku kacsan xukuumadda Kheyre ee ka tirsan kooxda Qabyo, taasoo shaki badan dhalisay.

Sida ay ogaaday WADANI MEDIA, website-kan waxaa la xaqiijiyey inuusan ka war heynin Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xafiiskiisa midna, waxaaa socda baaritaan lagu hayo dadkii ka danbeeyay, iyadoo arrintan ka mid noqoneyso ololaha kooxaha ku kacsan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Baaritaan ay sameysan Wadani Media ayaa lagu ogaaday macluumaadka soo socda:

Waxaa is qariyey qofka diiwaan geliyay domalin-ka loo adeegsaday magaca Xasan Kheyre oo lagu sameeyay website-ka iyadoo loo maray adeegga is qarinta ee ay bixiyaan shirkadaha diiwaan geliya magacyada Internet-ka (Domains), mana jiro wararka lagu baahiyey qaar ka mida warbaahinta iyo baraha bulshada in xubno ku dhow Ra’iisal wasaare Kheyre ay sameeyeen.

Sida hoos ka muuqata, waxaa warbixinta qofka diiwaangeliyay lagu bedelay tan shirkadda uu ka diiwaangeliyay. taasoo ah adeeg xog qarin oo shirkadaha diiwaangelinta ay bixiyaan.

Registrant Contact Information:
Name: On behalf of hassankheire2020.com owner
Organization: Whois Privacy Service
Address: P.O. Box 81226
City: Seattle
State / Province: WA
Postal Code: 98108-1226
Country: US
Phone:  +1.2065771368
Email: 

Website-ka oo lagu qoray inuu muddo 3 bilood kadib hawada soo geli doono ayaa lagu diiwaangeliyay magaca Ra’iisal wasaaraha, waxaa laga diiwaan geliyey oo laga kireystay domainka iyo hosting-ka shirkadda Amazon Web Services (AWS), serverka uu ku xiran yahayna wuxuu yaallaa dalka Jarmalka, waxaana Domain-ka Website-ka la diiwaan geliyay:  07 /06/ 2018.

Waxaa been abuur kale laga sameeyay magaca mid ka mida saraakiisha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo laga dhigay inuu isagu contact person yahay, iyadoo aanay suuragal ahayn qof dalbaday adeegga is qarinta  in haddana lasoo bandhigo cinwaankiisa iyo magaciisa.

Hoos ka fiiri qeybta beena abuurka ah ee lagu daray. waxaana ka muuqda khaladaad cid kasta faHmi karto:

WARBIXINTA SAXDA AH EE DOMAIN-KA hassankheire2020.com HOOS KA DAAWO

Ama halkan ka Booqo: ICCAN

Dowladda Soomaaliya waxay si sharci ah u baari kartaa arrintan, iyadoo la xiriireysa shirkadda iyo dowladda ay quseyso. Arrintan ayaa u muuqata mid ka mida ololaha u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo kooxo ku kacsan oo hadda gaartay in magacyada madaxda sare loo adeegsado website-yo been abuur ah.

U GAARA WADANI MEDIA
Tags
Close
Close