Somali News

Xog: yaa Siciid Deni ku taageeraya danaciisa Madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan?

Xog: yaa Siciid Deni ku taageeraya danaciisa Madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan?

Xog uu helay Wadani.com ayaa muujineysa in Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni dadaal ugu jiro sidii uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya ee beddelaya Farmaajo.

Ilo ku dhow Siciid Deni ayaa xaqiijiyay in uu taageero ka heysto laba il oo muhiim ah islamarkaana isku xiran.
Isha 1aad waa dowladda Imaaraadka Carabta, inkasta oo aanay wax lacag ah siin haddana Rag ku dhow Deni islamarkaana uu u sheekeeyay ayuu ugu faanay in haddi ballanqaadka Imaaraadka ay u suuragasho uu isu sharraxayo madaxweynaha Soomaaliya.

Isha2aad ee Siciid Cabdullahi Deni ku qalqaalineysa tartanka Madaxweynaha Soomaaliya kooxda Aaran jaan oo ah Urur diimeed u badan Ganacsato islamarkaana Deni ku taageeray doorashadii Puntland si ay danahooda fog u gaaraanna hadda ku caawinaya qabashada xilka ugu sarreeya Soomaaliya.
Deni oo dhowr todobaad ka maqan Puntland ayaa ololahiisa ka wada dibadda waxaanu wali soo magacaabin Guddiga doorashada ee matalilahaa Puntland isaga oo doonaya dad uu ku kalsoonyahay in uu keensado.
Siciid Cabdullahi Deni ayaa u tartamay doorashadii 2012kii ee Soomaaliya waxaana markii uu ku fashilmay uu u wareegay Puntland oo uu ka soo jeedo.
Xilka Madaxweynaha Soomaaliyabayaa sanadkan waxaa ku tartamaya Rag magac ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

Dood badan ayaa ka taagan habraaca doorashada Soomaaliya waxaana ay u badantahay in ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya.

Back to top button