Somali News

Xukun Dil toogasho ah oo lagu fuliyay xubin Alshabaab u qaabilsanaa Sahminta Qaraxyada Muqdisho

Maxakamadda Darajada Kowaaad ee  ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay eedeysane ka tirsanaa Maleeshiyaadka ALshabaab oo lagu soo eedeeyay hoggaaminta qaraxyo ika dhacay  magaalada Muqdisho.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed ayaa ahaa  41 sano jir, wuxuuna  ku dhashey magaalada Muqdisho, isagoo ku lug lahaa sahminta iyo diyaarinta qaraxyada, wuxuuna ka qeyb qaatay qaraxyadii ka dhacay hotel Wehliye, 13 bishii March 2017 ayna ku dhinteen 10 ruux 17 kalena ay ku dhawacmeen.

Wuxuu kaloo qeyb ka ahaa  qarixii ka dhacay maqaayada ku taala agagaarka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha 5-April,2017 oo uu geeyey gaari SURF ahaa oo qaraxa laga soo buuxiyay, kaasoo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 10 kale.

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa sidoo kale ku eedeysay in uu soo sahmiyay qarixii ka dhacay Baar Itaaliaya 8-June 2017 halkaais oo ay ku geeriyoodeen 7 qof ayna ku dhaawacmeen 11 kale.

Gaashanle Sare C/llaahi Buule xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ayaa faah faahin xukunka lagu fuliyay dhagar qabahaasi iyo dhibaatooyinkii uu u geystay bulshada Soomaaliyeed.

Tags
Close
Close