Somali News

Xukun lagu riday Bilaal Bulshaawi

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka la soo taagay Bilaal Bulshaawi oo caan ka ahaa barta Tiktok ee ay dhallinyarada Ku maadeystaan.

Maxkamada Hargeysa ayaa Ku xukuntay Bilaal in uu 48 saac uga boxo Deegaannada Somaliland.

Bilaal ayaa bishii hore lagu xiray Hargeysa kaddib markii isaga oo Maqaayad Ku taalla Hargeysa uu dalbaday Shaah lagu sameeyay Calanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa dhawaan ballanqaaday siideynta Bilaal.

Dhalinyarada Baraha Bulshada ayaa aad u dalbanayay siidreyntiisa.

Back to top button