FeaturedSomali News

Xukuumadda Somalia oo war kasoo saartay Alshabaab duqeyn lagu laayey Gobolka Mudug

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen, iyagoo kaashanaya ciidamada Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helay Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorshaysan Ka fuliyay fariisimo Alshabaab Ku lahaayeen Gobolka Mudug. Hawlgalkaan oo dhacay saaka waabarigii ayaa Daba socday weerar kale oo isla shalay Ka dhacay isla nawaaxigas.

Goobta uu hawlgalku Ka dhacay waxeey Ka tirsantahay Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Alshabaab ayaa saldhigaan Ka abaabulayay Weeraro Ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed waxaana loo gaystay waxyeelo baahsan oo lagu Kala dhantaal qorshahooda gurracan.

Weerarkaan waxaa Ku dhafwaayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan shabaab mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Tani waxeey muujinaysaa sida Ciidamada Qaranku awood ugu leeyihiin in ay Ku beegsadaan shabaab goob kasta oo ay Ku suganyihiin iyo sida kooxdu ay ugu nugushahay in talaabo looga qaado goobkasta oo Ka Ku dhuumaalaysanayaan.

Dawladda soomaaliya waxaa Ka go’an in ay Ka hor istaagto argagixisada in ay waxyeeleeyaan Bulshada Soomaaliyeed waana taas sababta loo joogtaynayo hawlgalada nuucaan ah.

Tags
Back to top button
Close
Close