Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Xukuumadda Soomaaliya oo shuruud ku xirtay Lacag Bankiga Adduunka siinayo Maamul Goboleedyada (Qoraal)

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Maamul Goboleedyada ka dalbaday inay soo gudbiyeen xisaab-xirkii lacagta qeybta koowaad ee mashruuca Surge Support oo Bankiga Adduunka uu bixiyo, isla markaana ay soo dalbadaan qeybta labaad ee lacagtaasi.

Wasiir Beyle ayaa faafiyey qoraal uu ku sheegay in Bankiga Adduunka sii daayey lacag dhan 5 Milyan oo Doolar oo ah qeybtii labaad ee Surge Support, wuxuuna caddeeyay in muddo laba jeer ah uu ka codsaday maamul Goboleedyada inay soo diraan xisaab xirka lacagtii hore, soona dalbadaan lacagta cusub.

“Waxa an ku faraxsanahay qeybti 2aad ee Surge Suportka oo World Bank soo daayay. Waxaan Dowlad Gobaleedyada ka codsanaynaa in ay so diraan xisaab celinta lacagahii hore iyo dalabka lacagta cusub..” ayuu yiri Wasiir Beyle oo sida muuqata lacag cusub oo la siiyo maamul Goboleedyada ku xiray inay keenaan xisaab xir.

AKHRISO QORAALKA

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media