Somali News

Yaa ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle?

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxa maanta ka billaabaneysa diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa Ku xigeen

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dadka ilaa hadda shaaciyay in ay u tartamayaan saddexda kursi ee ugu sarreysa Baarlamaanka Hirshabelle.

Guddoomiyaha oo ah kursiga ugu adag waxaa ilaa hadda la ogyahay laba musharrax kuwaas oo kala ah Maxamed Maxamuud Goodir oo horay u soo noqday Xildhibaan Federaal ah iyo Luqmaan Xaaji Muxumed oo Siyaasadda Ku cusub.

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle uu ka bilaawdo diiwaangelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo labadiisa kuxigeenka.

Xildhibaanada u tartamaayo ku xigeenka 1aad iyo labaad ee Baarlamaanka hirshabelle waxa ka mid ah; Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle , Xildhibaan Siraaji Shiikh Isaaq oo u sharaxan Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle iyo Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan oo isku soo Sharaxay Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Doorashda guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa la go’aamiyay in la qabto maalinta Arbacada ah.

 

Back to top button