Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

YAA LA XISAABTAMAYA XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA? (Bandhigga Xaqiiqada Baarlamaanka 10-aad)

Baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya oo kulankiisii ugu horeeyay magaalada Muqdisho ku yeeshay 31 Decembar 2016  waxay dadka Soomaaliyeed u arkayeen inuu ka duwan yahay baaralmaanadii ka horeeyay, markii ay ka mid noqdeen dhalinyaro ku cusub siyaasadda, waxayna rajada laga qabay sii korortay markii ay si lama filaan ahayd ay Madaxweyne u doorteen Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo 8-dii Febraayo 2018.

Laba sano kadib, rajadaasi ma noqon mid xaqiiqowda, wuxuuna Baarlamaanka hadda shaqeeya noqday mid aan waxba dhaamin ama ka liita kuwii ka horeeyay, isagoo si weyn uga gaabiyey shaqadii laga sugaayey, waxaana dhib ku noqotay inay qabsoomaan kulamadooda.

  •  KALFADHIYADA BAARLAMAANKA

Waxaa tusaale kuugu filan in kalfadhigii saddexaad ee Baarlamaankan kaliya ay xildhibaanadu shir isugu yimaadeen 11 kulan intii u dhaxeysay 10-ka Maarso ilaa 10-ka Luulyo 2018, waxaana xigtay inay fasax galeen bishii May, ayna dib isugu soo laabteen September 10-keeda oo kalfadhiga 4-aad uu furmay, kaasoo haddan ay soo wajahaday caqabad kooram la’aaneed.

Kalfadhiyada Baarlamaanka waxaa hareeyay fasaxyo fara badan oo xildhibaanadu qaateen, iyadoo xilligii loogu talogalay  inay qabsoomaan kulamadaasi ay u baaqdeen fasaxyo Ramadaan, Cimro iyo Ciid iwm, iyadoo howha ugu weyn ee kalfadhigii saddexaad la qabtay ay noqotay Guddoomiye cusub oo la doortay.

  • SHAQADA XILDHIBAANNADA

Waxaa nasiib darro noqotay in xildhibaannada Golaha Shacabka lagu kari waayey inay kulamada Baarlamanka xaadiraan 9:00 Subaxnimo, sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Baarlamaanka, iyadoo kulamada Baarlamaanka  ay furmaan 12:00 Duhurnimo, taasoo u muuqata caado waxba laga qaban waayey.

Isku day badan oo ku saabsan in xildhibaannada ay shaqo galaan waqtiga loo qorsheeyay ayaa shaqeyn waayey, iyadoo dhibaatada ugu weyni tahay inuusan jirin ama aan la fulin karin xeer hoosaadka u yaalla ee anshax marin lagu qaado xildhibaannada Golaha Shacabka.

  • XILDHIBAANNADA AAN XAADIRIN  FADHIYADA

Waxaa kaloo  xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku can baxeen inaysan soo wada xaadiraan fadhiyada, waxaana kulamada ugu badan yimaada 170 mudane, halka inta badan tirada xaadirta fadhiyada aysan dhaafin 150 mudane, waxaa kaloo dhaca in mararka qaarkood kulamada Baarlamaanka u furmi waayaan kooram la’aan, tiiyoo ay xildhibaanno badan joogaan magaalada, wax dan ah ka gelin shaqadii ay Qaranka u hayeen.

Marka kaliya ee xildhibaannada soo buuxiyaan kuraastooda waa xilliyada ay jiraan Mooshin iyo Doorasho, taasoo caddeyn u ah in xildhibaannadu intooda badan yihiin xasarad ku nool kaliya u taagan dano u gaara.

 HOOS KA AKHRISO LIISKA TIRADA XILDHIBAANNADA XAADIRAY KALFADHIGII SADDEXAAD 

 HOOS KA AKHRISO LIISKA TIRADA XILDHIBAANNADA XAADIRAY KALFADHIGII AFARAAD 

Labada shax ee sare ku xusan waxay muujineyaan in hal kalfadhi oo dhan muddo 3 bilood ay kaliya kulan isugu yimaadeen 11 jeer oo micnaheedu yahay in bishii ay shaqeeyeen  3 ama 4 Jeer kaliya. Waxay kaloo ku cad ku dhowaad kala bar xildhibaannada Golaha Shacabka (138 mudane) aysan xaadirin fadhiyada Golaha shacabka, oo ay iska qaataan mushaarka ka yimaada canshuurta dadweynaha Soomaaliyeed ee ay ku doodaan inay metelaan..!, kaaga sii darane ma jitto cid la xisaabtameysa.

 

  • SHARCIYADA HORYAALLA XILDHIBAANNADA GOLAHA SHACABKA

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fadhiyadoodu qabsoomi la’ yihiin, xaalkooduna sidaas yahay waxaa horyaalla oo laga sugayaa inay ansixiyaan xeerar iyo sharciyo ka badan 20 oo qaarkood aad loogu baahan yahay, siiba qaar muhiim u ah xaaldda amniga dalka, waxaana ka mida:

Hindisa Sharciyeedyada Sugaya Akhrinta 1aad xilligan:

  1. Dib-u- eegista Sharciga Hantidhawraha Guud
  2. Hindise Sharciyeedka Maamulka Lacagta (PFM)
  3. Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’ada Naafadda
  4. Hindise Sharciyeedka Danbiyadda Jinsiga
  5. Dib-u- eegista Sharciga 11 ee Shaqaalaha Rayidka Dowlada
  6. Hindise Sharciyeedka Bar-tilmaamaysiga Cunaqabataynta dhaqaalaha (Financial Sanctions Act)
  7. Hindise Sharciyeedka Naqshadaynta Magaalooyinka
  8. Xeer –Hoosaadka Baarlamaanka
  9. Xisaab Xirka sanadkii 2017

Hindisa Sharciyeedyada Akhrinta 2aad Maraya

  1. Hindise sharciyeedka Shirikadaha Ganacsiga
  2. hindise sharciyeedka Dib-u-eegista saxaafada
  3. Hindise Sharciyeedka La-Dagaalanka Argagaxisadda
  4. Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka
  5. Hindise Sharciyeedka Waxbarshadda Gaarka ah

Hindisa Sharciyeedyada Akhrinta 3aad Maraya:

  1. Hindise Sharciyeedka Xaq siinta Naafada Ciidamada

Hindisa Sharciyeedyada lagu celiyey Xukuumadda:

  1. Hindise Sharciyeedka Xakamaynta Hubka Wax Dilla

 

  • YAA LA XISAABTAMAYA XILDHIBAANNADA..?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka kooban 275+1, waxay metalaan dadka Soomaaliyeed si kastoo ay ku yimaadeen, waajibaadka laga sugayana waa inay dalka ku hoggaamiyaan sidii looga saari lahaa qaran-jabka, waxaa kaloo looga fadhiyey inay toosiyaan xukuumadda sidii ay uga soo bixi lahayd qorshihii ay ansixiyeen inay ku shaqeyso, iyadoo u maraya xrer dejin iyo la-xisaabtan, laakiin taas bedelkeed waxay u muuqdaan inay isku darsadeen:

  • Xil gudasho la’aan
  • Daneysi gaara
  • Mooshin ka macaashka iyo abuuris xiisado siyaasadeed oo joogto ah
  • iyo Dib ugu noqosho la’aanta dadka ay metelaan

Su’aasha weyn ee hadda taagan ayaa ah: Yaa la xisaabtamaya xildhibaannada..?, mar haddii xeer hoosaadkooda ku shaqeyn waayee..?.  Waxaa looga fadhiyaa xildhibannada xil-kaska ee ka mida Golaha Shacabka inay arrintan xal u  keenaan oo xaajadu aysan ka noqon DAB DHAXMOODAY MAXAA LAGU DIIRIYAA..?.

“Ruux haddii la doortoo darajadii la saariyo xilkii daryeeli waayo, Dab dhaxmooday weeyee”

Abwaan Xasan Sheekh Muumin

Faallada Wadani Media
Wadani.com

HOOS KA DHAGEYSO HEESTA DAB DHAXMOODAY

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media