Somali News

Yaa loo doortay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland?

Doorashadan oo ay codeeyeen 70 xubnood oo kala tirsan golaha dhexe ee ganacsatada Jubbaland iyo gudiga sare ee rugta ganacsiga ayaa waxaa ku tartamayay saddex musharax oo kala ah Diinle Sheekh Nuur,Axmed Maxamed Dirir iyo Xusseen Raabi Kaahin.

Doorashadan oo u dhacaday qaab gacan tag ah ayaa  ka qabsoontay magaalada Kismaayo waxaana wareeggii koobaad ee tartanka tanaasulay Axmed Maxamed Dirir.

Wareeggii labaad ee tartanka waxaa isku soo hadhay Diinle Sheekh Nuur iyo Xusseen Raabi Kaahin oo ku kala hadhay natiijo gacan taag ah.

Natiijada codbixinta waxaa ku dhawaaqay gudiga doorashada ee JCCI waxaana Xusseen Raabi Kaahin uu ku guulestay codad gaaraya 61 cod halka Diinle Sheekh Nuur uu helay 6 xubnood.

Diinle Sheekh Nuur oo ahaa tartamaha laga guuleystay ayaa aqbalay natiijada codeynta waxa uuna balan qaaday in uu si dhow ula shaqayn doono guddoomiyaha Cusub ee ku guuleystay in uu noqday guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland

Xusseen Raabi Kaahin ayaa noqonaya guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Afarta sano ee soo socota waxa uuna badalayaa Alle u Naxariistee Walalkii Shaafi Raabi Kaahin oo ay gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Kismaayo xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday salaadi Jimcaha ah.

Xigasho: Jubaland TV.

Back to top button