Somali News

Yaa soo badbaadiyay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogay Gobolka Tigree?

Wararka laga helayo Magaalada Maqalla ee Caasimadda Ismaamulka Tigree ee Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in lagu guuleystay daadgureynta Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ku baranayay halkaas.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku guuleysatay daadgureynta ardeyda uu saameeyay dagaalka ka socda Gobolkaas.

Ardeyda laga daadgureeyay caasimadda Maqalla ee Gobolka Tigreey ayaa la geeyay Magaalada Adis Ababa ee caasimadda Waddanka Itoobiya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamullada hoostaga marna kama hadlin daadgureynta ardeydaas.

Dagaalka Itoobiya ayaa sii xoogeystay iyada oo dhinacyada ishahaya diideen in ay miiska wadahadalka isugu tagaan.

Back to top button