Somali News

Yaa sugaya Amniga Shirka maanta ka furmaya Muqdisho?

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaaliya ku dhiirrageliyay in ay dhamaantood ka soo qeybgalaan shirka adatashiga qaran ee maanta ka furmaya Muqdisho.

Amaanka goobta shirka Waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada Amisom, shir soo dhamaaday xalay ayaa la  isku afgartay in ciidamada madaxda oo ay ku jiraan kuwa federaalka gaadiidka dagaalka iyo ciidamada looga reebo doonaa albaabada laga galo garoonka Aadan Cadde.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxda dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan VIPda.

Ciidamada waxaa lagu reebi doonaa Mariina Gate ooah dhanka Iskuul Buluusiyo iyo Madiina Gate oo ah dhanka danwadaagaha.

 

Back to top button