Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»10-ka Qodob ee Madaxweyne Farmaajo kusoo Kordhiyey Dowladnimada Soomaaliya (Xasaasi)

    10-ka Qodob ee Madaxweyne Farmaajo kusoo Kordhiyey Dowladnimada Soomaaliya (Xasaasi)

    August 22, 2021Updated:May 7, 20228 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Si lama filaan ah ayaa loogu doortay Madaxweynaha Soomaaliya 7-dii Febraayo 2017, kadib markii ay saaciday dabeyl siyaasadeed oo isbedel-doon ah, waxayna dadku kusoo dhoweeyeen bannaanbaxyo waaweyn, iyadoo rajo badan laga qabay inuu wax ka bedeli karo xaaladda uu dalka ku sugnaa.

    Afar sano oo sharciyad uu heystay iyo ku dhowaad lix bilood oo uu Xafiiska ku sugnaa kadib, Maxamed C/llaahi Farmaajo ballanqaadyadiisii waaweynaa ee uu doorashada ku galay oo aanu waxba ka fulin marka dhinac la iska dhigo, wuxuu dowladnimada Soomaaliya ee xaaladda adag mareysa kusoo kordhiyey dhaqamo siyaasadeed iyo kuwa hoggaamineed cusub oo qaarkood ugub yihiin dalka, wuxuuna la soo baxay faham u Gaara oo dalka uu ku hoggaamiyo:

    Tobanka dhaqan siyaasadeed ee Farmaajo uu soo kordhiyey waxay kala yihiin:

    1- Awood adeegsi

    Dowladnimada Soomaalida ee ee dib loo dhisayo una baahan dib u heshiisiinta wuxu Farmaajo Doorashada ku galay inuu noqonayo ‘NABAD-DOON’, balse taas bedelkeed wuxuu dowladnimada kusoo kordhiyay inuu awood u adeegsado Mucaaradka iyo maamul Goboleedyada aan rabitaankiisa ku shaqeyn.

    Dhacdooyinka soo Socda waxay caddeyn u yihiin inuu Maxamed Farmaajo qaatay dariiq ka duwan kii uu xukunka ku yimid ee dimoqraadiga ahaa, isagoo doortay inuu awood u adeegsado mucaaradka siyaasiyiinta ah oo qaarkood ay siyaasadda soo geliyeen, xilkana ku wareejiyeen:

    Waxaan soo qaadan karnaa:

    = Weerarkii Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee Muqdisho, Disembar 2017 oo dhiig ku daatay.

    = Bannaanbaxayaashii taageerayaasha u ahaa Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow ee lagu dilay Magaalada Baydhaba Disembar 2018.

    = Dagaalkii lagu qaaday Ahlu-sunnadii Gobollada Dhexe iyo Awood ku maquunintii loo adeegsaday ee magaalada Dhuusamareeb intii lagu Jiray doorashadii Galmudug – Febraayo 2020.

    = Isku daygii awood ku maquuninta maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe iyo Xayiraadii Cirka ee La saaray maamulkaasi Ogost 2019.

    =  Weerarkii Hotelkii ay ku jireen Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh 19 Febraayo 2021.

    =Weerarkii bannanbaxayaashii ay hoggaaminayeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur oo lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Isgoyska KM 4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    =Wuxuu 25 April 2021 weerar toos ah ku qaaday Xarun uu degay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, agagaarka Isgoyska Mariinada, oo ciidamo u soo gurmaday ay badbaadiyeen.

    = Waxay Muqdisho ku sigatay dagaal sokeeye markii ay qarxeen iska hor imaadyo hubeysan muddo kororsigii uu ku dhaqaaqay Farmaajo 12 April 2021.

    2 – WADANIYAD (Keligii Wadani)

    Madaxweynaha la doortay Febraayo 2017, wuxuu la gaar ahaa oo ololihiisii Doorashada ku galay ‘WADANIYAD’ iyo naceybka Itoobiya, wuxuuna ku dooday inuu soo celinayo ‘QABKII’ Soomaalinimo.

    Mar wuxuu Farmaajo meel fagaare ah ka sheegay in isaga ka hor aysan Waddaniyad laga hadli karin ama aanay jirin, isaguna uu soo nooleeyay, waxaana intii uu xilka hayey caado u noqotay inuu si toos u eedeeyo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwii ka horeeyay inay u adeegaan dano shisheeye, kuna xiran yihiin dalal Dibadda ah. Dooda Wadaniyadda Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa waa meesha ka saartay tallaabadii fadeexadda dhalisay ee Dhiibistii sarkaalkii ka tirsanaa Jabhadda ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax.

    3- Adeegsiga Baraha Bulshada

    Farmaajo  wuxuu noqday madaxweynihii ugu weynaa ee ku dagaal gala Baraha bulshada, intii uu xukunka hayey wuxuu siyaasadda soo geliyey dad shacab ah iyo Qurbejoog taageerta, wuxuuna dhaqaale badan ku bixiyey Dad baraha bulshada ka difaaca shaqsi ahaan, dhinaca kalena dacaayado iyo ijaafeyn shaqsi ah u geysta Siyaasiyiinta ka horjeeda ama tartanka kula jira.

    Waxaa mar kaliya Baraha Bulshada qabsaday kooxo markii danbe loo bixiyey ‘Cayayaanka Baraha Bulshada -CBB’, kuwaasoo ku caan baxay inay ku xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya.

    4- La-Wareegidda Hay’adda NISA

    Arrimaha aan hore loo arag ee Farmaajo ku soo kordhiyay dowladnimada waxaa ka mida inuu Hay’adii Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ka dhigay Hay’ad isaga u shaqeysa, hoggaankeedana u wada dhiibay saaxiibkiis iyo xubno qaraabo La ah.

    NISA waxay noqotay awoodda uu Farmaajo u adeegsado Mucaaradka, maamul Goboleedyada iyo dhammaan danihiisa siyaasadeed, waxaana markii ugu horeysay ay noqotay mid aan lahayn agaasime ku xigeenadii ay lahaayeen jirtay, kaliya waxaa maamula Fahad Yaasiin, waxaana ka dhex muuqday C/llaahi Kulane oo ay madaxweynaha qaraabo yihiinn oo dhowan uun xilka laga qaaday.

    5- Siyaasad Aargoosi ku dhisan

    Intii uu xilka hayey wuxuu Farmaajo qaaday tallaabooyin aan hore loo arag oo ku dhisan ka aargoosiga saraakiisha iyo madaxda ay isku dhacaan ama khilaafka dhex maro.

    Xil-ka-qaadis kuma ekaan ee wuxuu Maxamed Farmaajo garaadayaashii ka rifay Laba Jeneraal oo uu ka aargoostay markii ay ka hor yimaadeen, waxayna kala yihiin:

    1- Agaasime ku xigeenki Hay’adda Jen. Cabdalla Cabdalle

    2- iyo Taliyihii Booliska Goboka Banaadir Jen.Saadaq Joon

    Wuxuu Farmaajo abaabulay xil ka qaadistii Golaha Shacabka ee Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadibna wuxuu u diiday inuu xilka wareejiyo, isagoo Ra’iisal wasaare ku xigeenkii ka dhigay Ra’iisal wasaare KMG ah, taasoo ka baxsaneyd Dastuurka.

    Wuxuu ku qasbay inuu xilka ka dego Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa madaxweynihii K/Galbeed

    Wuxuu weerarro toos ah iyo cadaadisyo safar saaray Madaxweynihii isaga magacaabay Sheekh Shariif iyo Madaxweynihii xilka ku wareejiyey ee Xasan Sheekh.

    6- Madaxweyna Af-Daboolan

    Dhaqamada ku cusub dowladnimada iyo hogaanka ugu sareeya dalka, waxaa ka mida in Madaxweyne Farmaajo ay caado u noqotay intii uu xilka hayey inuu ka aamuso xaaladaha adag ee dalka iyo marka shacabku ugu baahi badan yihiin inuu hoggaanka go’aan ka qaato xaalad taagan ama caddeeyo arrin Qaran oo mugdi ku jirta.

    Aamusnaanta iyo ka hadal la’aanta xaaladaha adag ee dalka iyo dhacdooyinka waaweyn waxay Farmaajo ka dhigeen inuu ka baxsado mas’uuliyadii ka saarneyd dalka iyo dadka uu hoggaanka u ahaa.

    Farmaajo wuxuu col la ahaa warbaahinta, wuxuuna diiday inuu wareysi bixiyo toos ah bixiyo, inta jeer ee La wareystayna waxay ahaayeen kuwo lasii qorsheeyay oo La faaf-reebay, waxaana la siinayey warbaahin gaar ah.

    7- Siyaasiyiin iyo Culimo taageera oo Mushaari ah

    Qodob ka mida kuwa uu ku caan baxay Maxamed Farmaajo intii uu xilka hayey wuxuu ahaa inuu sameystay siyaasiyiin caan ah oo Warbaahinta ka difaaca, weerarka ku qaada madaxda mucaaradka ee siyaasadiisa ka horjeeda.

    Xubnihii ugu cadcadaa ee Madaxweyne Farmaajo difaaca ka dhigtay, una hadli jiray, waxaa ka mida siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan soo qabtay, waxaa sidoo kale ku jira Qurbe-joog iyo Mashaa’ikh culimo ah oo si aan ganbasho lahayn Farmaajo ku tilmaama MAHDI SOO DAAHIRAY.

    8- Siyaasad Arrimo Dibadeed Dhinac u Janjeerta 

    Farmaajo wuxuu siyaasadda Arrimaha Dibadda la aaday jiho aan hore loo tijaabin, isagoo markii uu talada qabtay ku dhex dhacay khilaafkii dalalka Khaliijka, wuxuuna qaatay siyaasad dhexdhexaad lagu sheegay balse si cad ugu janjeertay dalka yar ee Qatar.

    Soomaaliya waxay isku xumaadeen dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxayna xiriirka u jartay Kenya, waxaa kaloo markii ugu horeysay Farmaajo uu qaatay siyaasad ka dhan ah dalka Jabuuti.

    Farmaajo wuxuu taariikhda ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee ay Jabuuti isku xumaadaan, isagoo La saaxiibay caddowgeeda Eritrea, si cadna u cambaareeyay Dowladda Jabuuti.

    Waxaa fadeexad diblomaasiyadeed lagu tilmaamay safarkii uu Farmaajo la galay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, iyadoo Diyaarad la saartay, kadibna laga dejiyey magaaalada Nairobi, taasoo ahayd arrin aan hore u dhicin.

    9- Musuqmaasuq La-dirir aan xaqiiqo ahayn

    Haddii waxqabad weyn aan Farmaajo uga dhigi lahayn in Musuqmaasuqa la dagaalamay ama shaqsi ahaan nadiif ka ah, waxaan wajaheynaa xaqiiqooyinka soo socda:

    Laaluuskhii Labada Aqal ee Baarlamaanka loo qeybiyey, kadib markii la riday, is-casilaadna lagu qasbay Guddoomiyihii Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cusmaan (Jawaari) –  oo mid kasta la siiyey $5000

    Lacagtii loo qeybiyey xildhibaannada Baarlamaanka K/Galbeed ee Muqdisho loo keenay si loo laaluusho, kadibna codka looga iibsaday u inay oortaan musharixii ay wadatay Madaxtooyada ee hadda ka taliya.

    Xisaab-xir la’aanta Miisaaniyadda dowladda oo dhacday muddo 3 sano ah oo ka mida intii ay xilka heystay dowladii Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa , taasoo ah fashil weyn oo aan qiil loo heli karin

     Sidii loo maamulay Doorashooyinkii maamul Goboleedyada Galmudug awood iyo dhaqaale la isugu daray iyo Hirshabeelle oo keentay khilaaf siyaasadeed weli taagan.

    Ku-takri falka awoodda oo ay qeyb ka tahay naas-nuujinta saaxiibada iyo u magacabidda xilal waaweyn oo aanay qaadi karin

    10- Dastuur jebin

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhiiraday inuu iska dhega tiro dastuurka uu ku dhaartay, qodobbo ka mid ahna uu ka boodo ama jebiyo, wuxuuna ku dhaqaaqay:

    1- Inuu Mesha ka Saaro kaalintii Aqalka Sare ee Baarlamaanka, khilaaf kala dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalkaasi dartiis.

    3- Inuu diyaariyey Sharci Doorasho oo ka horjeeda Dastuurka KMG ah, oo caddeynaya in nidaamka dowladda uu yahay Baarlamaani.

    2- Wuxuu Saxiixay sharciyo aan soo marin Aqalka Sare

    3- Wuxuu bedelay dhaqan siyaasadeed soo jireen ah oo ku saabsan in Ra’iisal wasaaraha dalka lagu magacaabo muddo Bil gudaheed ah, wuxuuna Xukuumadda Federaalka muddo xasaasi ah ka dhigay Ra’iisal wasaare la’aan muddo ku dhow 2 bilood.

    4- Wuxuu ku dhiiraday inuu ku shaqeeyo xukuumad xilgaarsiin ah oo sharciyo waaweyn iyo magacaabid muhiim ah marsiiyo.

    5- Heshiisyo madaxweynaha gaar ahaa oo uu La galay dalalka (Itoobiya/ Eritea..) oo aan Baarlamaan la keenin)

    6- Wuxuu ku dhaqaaqay Muddo kororsi kasoo horjeeda Dastuurka, kaasoo keenay inuu dalku qarka u tago dagaallo sokeeye, kadib iska hor imaadyo ka dhacay caasimadda Muqdisho.

    HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA

    Doorashada Farmaajo Madaxweyne Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDad hor leh oo ku dhintay Garoonka Kaabul iyo Kumanaan Is-xambaar ahaan ugu qamaamay (Sawirro)
    Next Article Midowga Musharixiinta oo Go’aano Culus ka qaadanaya Doorashada iyo Farriimo loo dirayo Rooble iyo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo