Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 19
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025Updated:May 28, 20252 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Arbaco, May 28, 2025 (Wadani.com) – Ciidanka Danab oo uu Mareykanku tababaray, ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii sanadkan hoos loo dhigay sahaydii raashinka iyo shidaalkii ay heli jireen, halka bishii Febraayo laga jaray mushaharkii dheeraadka ahaa ee gaari jiray $400 bishii askari kasta.

    Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The Washington Post, qaar ka mid ah askarta Danab ayaa ka baxay ciidanka, halka tababarayaashii shisheeye ee la shaqeyn jiray ay dalka isaga baxeen.

    Waxaa sidoo kale su’aal la gelinayaa sida maamulka Madaxweyne Trump uu mudnaan u siinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeeynayo dowladda Soomaaliya in aysan weli helin kalsooni ku filan oo ay ku hoggaamiso dagaalka, sababo la xiriira musuqmaasuq baahsan ee dalka ka jira.

    “Maamulka Trump uma muuqdo inuu u arko Al-Shabaab khatar toos ah oo ku wajahan danaha Mareykanka,” ayuu yiri Matt Bryden, aasaasaha xarunta cilmi-baarista ee Sahan Research, oo fadhigeedu yahay Nairobi. Si kastaba ha ahaateewuxuu raaciyay, “haddii Al-Shabaab horumar dheeri ah sameyso, waxay si weyn u saameyn doontaa siyaasadda Mareykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.”

    Dhinaca kale, Mareykanka ayaa walaac ka muujinaya sida dowladda Soomaaliya ay wajigeeda uga leexisay la-hawlgalayaashii reer Galbeedka, iyadoo xiriir dhaw la yeeshay Turkiga si ay gacan uga hesho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Xiriirka sii xoogeysanaya ee Ankara iyo Muqdisho ayaa sababay heshiisyo cusub oo la xiriira baarista shidaalka, keenista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo imaatinka boqolaal askari oo Turki ah bishii lasoo dhaafay.

    Dowladda Turkiga ayaa hadda si qoto dheer ugu lug leh Soomaaliya, iyadoo tababartay laba guuto oo gaaraya ilaa 6,000 oo askari Soomaaliyeed, halka diyaaradohooda aan duuliyaha lahaynna ay duqeeyeen bartilmaameedyo muhiim ah oo Al-Shabaab ah.

    Hoos u dhaca joogitaanka Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu halis gelin karo dadaallada lagu xakameynayo mid ka mid ah khataraha ugu halista badan ee ka imaanaya Alshabaab.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)
    Next Article Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    Madaxweyne Mustafe Cagjar oo iska fogeeyay in Maaamulkiisu lug ku leeyahay kala qeybinta Ururka ONLF

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo